Blog
Waxbarashada onlineka ah kama duwana mida regular ka ah ee la soo xaadirayo. Hadii aad fahantid waxaad ogaan kartaa in casriga hada la joogo qofkii aanan aqoon hadba onlineka wax loogu barto in uu dhuminayo fursado aad u badan. qofka fahansana uu ka faa’idaysanayo fursado aad u badan gaarina karo guulo dhaxal gal ah.
Maanta wax kasta sidoodii hore way iska badaleen maadama ay tiknoolajiyadu ku yeelatay nolosheena saamayn weyn. wixii lagu samayn jiray 10 sano waxaa lagu samayn karaa billo. wixii bilaha lagu samayn jirayna waxaa lagu soo koobay saacado. Qofkii ka faa’idaysta tiknoolajiyada wuxu si fudud u gaar karaa yoolkiisa si fudud qofkii aan ka faa’idaysana wuu harayaa.
Online markaad wax ku baranaysid masuuliyadu waxay saarmaysaa waa isla adiga. Hadii owal lagu duba socon jiray maxaad u soo daahday jaamacadii aad iyo wixii lamid ah lagu dhihi jiray onlineka sidaas ma ahan.
Waxyaabaha ugu muhiimsan onlineka waa in aad isdiris leedahay oo aad adigu isla xisaabtantid. sidoo kale waa in aad samaysatid jadwal aad wax daawatid mid aad wax akhrisatid iyo mid aad ka shaqaysid laylisyadaada, iyo dagsashada qorshe hawleed. hadii aadan sidaas samayn waxaa iskaga kaa dhex yaacaya qorshihii. Waxaa intaas kuu raaca in aad ku xirnaatid bulshada barata ama ka shaqeysa waxa aad baranaysid taas waxay meesha ka saaraysa in aad cidla dareentid iyo in ay kuu fududayso discussion iyo wax weydiinta ardada kale. Ka qeyb qaado suaalaha iyo jawaabaha ardada kale iyo macalimiinta sidoo kale.
Maantaba Online Wax ku diyaari
- Si fudud ayaad ku baran kartaa xirfad cusub
- Meelkasta ayaad wax kasoo baran kartaa
- Mihnadaada ayaad si fudud ku horomarin kartaa.
- Shaqada ayay kuu fududayn kartaa.